Sida ugu fudud ee Cayilka loo dhimo















Ugu horeyn inta aadan ogaanin siyaabaha ugu fudud oo uu qofka bini'aadamka ahi ku dhimo cayilkiisa waxa lagama maarmaan ah inad ogaatid waxa keena Cayilka dagdaga ah 

Baro waxyaalaha keena Cayilka 

Horta sidiisaba Cayilka maxuu yahay ?

Ururka caafimaadka aduunka WHO ( World Health Organization ) waxay ku micneeyaan baruur badan markee jirka fuusho. Baruurtaas jirka fuushayna ay u dhib u geeysato caafimaadka jirka ayaa la yiraahda Cayil 

Marka waxa jiro waxyaalo lagu cabiro ( Body Mass Index ) Body mass index macnaheedu waxaa weye Culeyskaagii oo loo qeybiyay dhirirkaagii oo laba jibaaran 

Jirka bini'aadamka waxa loo abuuray khaab uu si dabiici ah miisaanka isugu kordhiyo una xajisto hilibka. Hadaba manta waxan donaya inan kula wadago lix (6) qaab oo si dag dag ah loogu cayilo amaba si lama filaan ah loogu cayilo 

Inta badan qodobadan xita kama feejigna dadka miisaanka iska dhima waliba ayago aan fahamsaneen ayuu miisaan badan ku siyaadiyaa hadaba qodobka 1aad 

1] Cuntada dufanta ku yartahay : Raashiinka an baruurta lahen waxa ku badan sokorta adigoo an dareemin ayuu miisaankaada si dag dag ah ku badanayaa haddii aad isticmaasho cuntooyinkaas                                                                                                                                                                                  2] Daawashada Television ka : mid ka mid ah sawabaha ugu waaweyn ee miisaanka durbaba u badiya waa fadhiga badan gaar ahaan markii aad ku mashqulsantahy Daawashada Television ka waxaa jiro musalsalo ama aflaam xiiso badan oo qofka ku kalifaayo inuu saacado badan hor fadhiyo television ka sidoo kale waxay u badantahay inaad waqtigaas cunto raashiin badan oo aan cafimaad laheen 

                                                                                                                                                                      3] Dhafarka : inta badan dadka waxay ku cayilaan dhafarka ama hurdo la'aanta marka aad seexan weydo waxaa kobcaya heerka walwalka ee maskaxdaada waxaana badanaya raashiin cunistaada waxaa laga yaabaa in adigoo maalinkii wax cunaya aad habeenkiina wax cunto maadaam aad so jeedo      

4] Waa Rashiinko la Badsado : dadka qaar marka ay wax cunayaan waxay Soo buuxsadaan saxanka iyagoo kadibna wada dhameystay cunadaas qaabkaas waa mid kamid ah hababka dagdaga loogu cayilo 

5] Waa Daawooyinka : qaar kamid ah Daawooyinka loogu talo galay xanuunkada dhiigarka, sokorta, iyo kuwa kalaba waxay si lama filaan ah u kobciyaan miisaanka jirka waxaa kaloo jira daawooyin kale oo si ula kac ah loogu cayilo 

6] Jimicsi la'aanta : inta badan bini'aadamka ma jeclo Inu sameeyo dhaqdhaqaaq joogto ah waa uu cunaa kadibna la fariistaa meel 

Dhamaan arimaahan iyo arimo kalo ka badan waxey ku horseedayaan inuu miisaanka jirkaad siyaado 

Sidee Cayilka la iska Ridaa  ?

Hadaba hadii aad xaqiijisid inaad tahay qof buuran (cayiltan) waxaad diyaar u noqotaa la dagaalanka Cayilka ama dhimida culeyska jirkaada ayaa u baahan waqti iyo go'aan adag inbadan oo Bulshada kamid ah ayaa la daala dhacaayo sideey u dhimi lahaayeen 

Qaar kamid ah dumarka buurnida waxey u arkaan qurux waxad ogaata qofka buurani inuu u nugul yahay cuduro badan sida 

• Dhiig Karka 

• Macaanka 

• Cudurada wadnaha 

• Neefxiiq 

• Falika 

Hadaba side ku dhimi kartaa Cayilka ?

Cayil dhimis wa arin caqabad leh oo aysan sahlaneen in lagu taxnaado ama la joogteeyo hasa yeeshee waxaa jiro wadooyin lamaro sida maareeynta cuntooyinka aad cuneysid iyo Jimicsi 

75% miisaankaada waxaa aad ku dhimi kartaa cunta aad cuneysid aad wax ka badasho Halka 25% aad ku dhimi kartid jimcsi sida orodka dabaasha hadii aad tahay qof dhalinyaro ah Gym iska so qori oo ku dadaal quruxda jirkaada 

Hadi aan kula wadago cuntooyinka aad cuneysid waxa wanaagsan inaad cuntid cuntooyin isku dheeli tiran isla maarkaasna aad gubtid xeer badan markii loo Barbara dhigo xeerta aad ka heshid cunada aad cuntid markaas culeeyska wuu kaa dhacayaa maxaa yeelay tamarta badani ay jirkaada ku keydsan haddii aadan gubin wuxuu isku badalayaa dux ama baruur taasoo sawabi karto qofka inuu si fudud ku cayilo sidaas daraadeed waxaa haboon qofka in uu yareeyo xadiga xeerta uu canaayo 

Talaabooyinka lagu yareeyo miisaanka 

1] cabitaanka Shaaxa cagaaraan.  Shaaxaan wuxuu maalinkii gubaa 70 xeer ah sawabto ah wuxuu dadajiyaa dheefshiifka 

2] Miraha qudaarta. Qudaarta cagaaran oo sideeda loo cuno ayaa wanagsan 

3] Cab biyo badan  wa inaad cabtaa ugu yaraan 3 litre malintii maxaa yeelay cabida biyaha waxay ka qeyb qaadataa siyaabaha lagu gubo xeerta waxay sidoo kale faa'iido u leedahay sifeeynta dheefshiidka iyo kilyaha marka tan sidoo kale waxa ay keentaa inuu dhiiga noqdo mid sifeeysan oo uu ku yaryahay  baruurta loo yaqaano galastaroolka 

4] Kordhi qaadashada proteinka. Proteinka waxuu yareeyaa duxda ama baruurta sidaas daraadeed waxaa wanaagsan inaad cuntid Kalluunka, Ukunta iyo waxyaalaha lamidka ah intaad cuni laheyd Hilibka cas, Kuruska iyo baruurta 

5] Macmacaanka. wa inaad yareyaaa macmacaanka Cuntada kadib la isticmaalo gaar ahaan Shukulaatada waxyaabaha sokorta ay ku badanyihiin 

6] Saliida iyo Subaga wa inaad cuntooyinka aad cuneysid aad ku yareyaaa Saliida iyo Subaga haddii saliid u baahato waxa wanaagsan inaad isticmaashid saliid Zeytuunka 

7] Qaadashada Cunto badan yareey cuntooyinka aad qaadaneysid uma baahnid inaad saddaxda waqti cunto qaadatid cuntooyin aad u badan waxaa kuu wanaagsan Afar ilaa iyo Shan jeer oo aad cunto cuntooyin isku dheeli tiran oo aad u yar 

8] Jooji cunista Baradhada  badalkeeda wa inaad cuntaa cuntooyinka sida Digirta, Fasuuliyada, Galeeyda ama Sareeynka maxaa yeelay waxaa ku jiro Viber badan Vitamins iyo Iron waa leeyihiin 

9] Akhri warqada ku dhagan cunta inta aadan cunin oo hubi Cuntada waxa ay ka koobantahay iyo inta tamar ee ku jirto 












Comments

  1. Wan maqaal wan wax badan ka faaiday Wana ku mahadsantahy walal

    ReplyDelete

Post a Comment