Asalka hore ereyga Halloween mesha uu ka yimid
31da bisha oktoobar ee sanad walba wadamad reer galbeedka waxa laga xusaa wax lagu magacaabo HALLOWEEN
Halloween waxa u dabaal dago caruurta iyo dadka kale ee dhalinyarada ah iyago markaasi so xerta dhar markaasi cabsi cabsi ah. Hadaba maxay tahay waxan lagu magacaabo Halloween ?
Halloween magacaan asal ahan waxa u ka yimiday All Hallow's Eve oo macnahedu tahay habeenkii barakeesnaa.
Dadka karishtaanka waxa ay aaminsanyihiin in habeenkaas uu yahay habeen aad u barakeysan sidaso kale waxa ay ku magacabaan All Saint's DAY . Oo aya xusaan 01 November ee sanad walba ayago markas ugu duceeya wa sida ay aaminsanyihiine dadkoodi shuhadada ahaa ee garanayeen iyo kuwa aysan aqoon ee shuhadooda kamida wa sida markas ay ayaga u yaqaniin
Farqiga u dhaxeeya Halloween & Samhain?
Dadkii hore cawaanta ahaa ee Europe ku noolaa waxey aaminsanaayeen
aduunka aynu manta ku noolnahay iyo aduunka ruuxaaniga ( reer aaqiraadka ah ) in wax farqi intaas ka badan oo xaqriiqintas ah aysan u dhaxeenin.
Waxey aaminsanaayeen xilliga aya u dabaal dagaayaan waxa loo yaqaano Samhain ka oo ahaa dhamaadka Xagaaga oona so galayo Jilaalka wa xilli Europe dhan uu Gudcurka (mugdi) ama madoowga uu dabooli jiray waxayna xilligaasi ka aaminsanaayeen in dad badan geeriyoon doonaan wa xilliga Gudcurka ama madoowga ah sidaas darteedna wa xilliga ay u dabaal dagaayaan Samhain ka waxayna aaminsanaayeen ruuxdii ka geeriyootay, nafahooda iney dib dunida uguso laabanayaan
Sidaas darteed waxey cabsi ka qabeen in ayagaasina aysan Aaqiro u kaxeenin ama dalagoodana dhibaato u geysanin sidas darteed waxey shidi jireen dab aad u weyn markaasina waxay wajiyadooda gashan jireen wax cabsi cabsi ah si ruuxdaas dunida imaaneysa aysan wajiyadooda u aqoonsanin
Dhaqankaasi isagoo casri ah ayu manta Europe ka jiraa waxana lagu magacaba Halloween
Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa Halloween ?
Sida an wada ognahay hadeynu nahay dad islaam ah waxeynu ciidnaa sanad walba labo ciid oo kaliya wana ciida soonfur +ciidul fidri) iyo ciida carafo (ciidul adxa)
Sidaas awgeed ciidaha kale oo ay kamidka yihiin kuwa sanadka cusub sida Halloween iyo Samhain Islaamka meel cad ayu ka istaagay oo waa uu xaaraantainimeeyay.
Qofka Muslimka ah waxa uu leeyahay caqiido uu aaminsanyahay waxana ku waajib ah inu ku dhaqmo wadad Rasuulkena muxamed NNKH (Nabdgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaato) marka walaalayaal yaanan dhuminin shaqsiyada islaamiga ah ee aanu lenahay
Wuxuu leeyahay Nabiga NNKH (Naxariis iyo Nabdgalyo korkiisa ha ahaato) "qofka dad isku ekeysiiya ayaga ayuu xukunkooda qaadanaya oo uu la mid noqonayaa diinteena markaad eegto waxay aad iyo aad noogu goobaabisaa Gaalada in laga soocnaado
•Xaflahooda.
•Labiskoda.
•Qaab u socodkooda iyo Qaab u dhaqankooda.
•Ciidahooda
Waxa allaala wixii sharcigeena diiday ama gaalo astaan gaar ah u leh in qofka Muslimka ah ka soocmo ayu sharcingeenu inoo warinayaa
Waxa la tilmaamay in qofka Muslimka ah sharaf, cizo iyo karaamo leeyahay uu ku leeyahay Diinta Islaamka xaqeeda uu Illahey Swc uu nimceeyay oo ah nimcada ugu weyn uu qof Muslim ah la siiyo
Illahey Swc wuxu leeyahay
" ايبتغون عندهم العزة فإن العزة لله جمىعا" ma gaal bey sharaf ka dalbanayaan markey isku ekeeysiinayaan Cisada, sharafta iyo maamuuska Alle Swc ayaa bixiya.
Alle Swc wuxu leeyahay
"ولله العزة ولرسوله وللمؤمنين ولكن المنافقين لا يعلمون "cisiga waxa iska leh Illahey Swc iyo Rasuulkiisa NNKH iyo cidii ay cisiiyeen oo ah dadka mu'miniinta laakiin dadka munaafiqiinta ah oo wax magaratada garan maaayaan
Waxaan aad idin kugula talinayaa inan Islaanimadeena aan aad ugu faanno cisiga iyo sharafta Alle weyne uu ina siiyay ineynu ku faano
.webp)

Comments
Post a Comment